Qarax Miino Oo Kismaayo Ka Dhacay

jiinka August 16, 2013 Comments Off
Qarax Miino Oo Kismaayo Ka Dhacay

Suldaan C/qaadir Sheekh Axmed oo kamid ahaa Salaadiinta ku sugan Kismaayo ayaa geeriyooday kadib markii maanta gaari uu la socday qarax miino uu ku haleelay Xaafada Siinaay oo kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubalada Hoose.

 

Suldaan Jaamac oo kamid ah Salaadiinta ku sugan Kismaayo ayaa Saxaafada u xaqiijiyay geerida Suldaan C/qaadir,

Waxa uuna tilmaamay Suldaanka in qaraxa miino ay ku geeriyoodeen Suldaanka iyo wiil uu adeer u ahaa oo la socday, isagoona xusay in gaariga uu la socday Suldaanka gabi ahaanba uu gubtay.
Suldaan Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in aan si rasmi ah loo ogeyn in qaraxa isaga bartilmaameed u ahaa iyo in kale, hayeeshee waxa uu tilmaamay in ciidamada ay wadaan baaritaano.

 

Marxuum Suldaan C/qaadir Sheekh Axmed ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu kamid ahaa Odayaashii soo dhisay Maamulka lagu muransan yahay ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe oo ka arimiya magaalada Kismaayo.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.