Munaasabadan oo ahayd mid magaca looga badalayay garoonka kubadda koleyga ee Ex Luujino oo loogu magac daray Aadan Xaaji Yeberow Wiish oo ahaa guddoomiyihii gudiga Olombikada soomaaliyeed oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada qaranka 4tii April ee Sanadkii 2012ka ayaa maanta ka dhacday isla garoonkaasi.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirada horumarinta adeega bulshada Drs Maryan Qaasim Axmed,qaar ka mid ah bahda isboortiga,
Maamulka gudiga olombikada soomaaliyeed,qoyska allaha u naxariistee Aadan Xaaji Yeberow Wiish iyo teegeerayaal aad u fara badan oo aad u haminayay in ay arkaan magaca lagu xusayo garoonka iyo furitaanka tartanka xiisaha badan ee koobka General Daa’uud.
Munaasabada ayaa waxa ay sidoo kale ku soo beegantay furitaanka koobda General Daa’uud oo lagu furay kooxaha kubadda koleyga ee Fiyoore iyo Dekada.
Waxaa ugu horeeyn ka hadlay munaasabadda magaca looga badalayay garoonka Ex Luujino agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta adeega bulshada Aweeys Shiikh Xadaad.
Waxana uu ka sheekeeyay intii uu ka yaqaanay allaha u naxariistee Aadan Xaaji Yeberow Wiish isagoo sheegay in uu ahaa nin aan ka daalin horumarinta iyo kor u qaadida isboortiga soomaaliyeed.
Wasiirada Horumarinta adeega bulshada bulshada Drs Maryan Qaasim Axmed oo ka hadashay gabagebadii munaasabdda ayaa sheegay in garoonkan Wiish Stadium uu ku weynyahay ummadda soomaaliyeed.
“Aniga waxaa farxad weyn ii ah oo taariikhi ii ah in uu ku dhawaaqo digreetadii magaca looga badalay garoonkii Ex Luujino oo loogu magac daray garoonka Aadan Xaaji Yeberow Wiish Stadium oo ahaa halyeey ka baxay dhamaan ummadda soomaaliyeed”ayey tiri wasiirada
Wasiirada ayaa sheegay in maanta laga bilaabo garoonkan magaciisa uu noqon doono Wiish Stadium.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.