Iyadoo uu weli uu taaganyahay muranka ku saabsan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya xubno u badan hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo ay Guddiga Farsamada ee xulista Baarlamaanka diideen, balse ay Maxkamadda sare amartay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka ayaa la sheegay in maanta arrinkooda go’aan kama dambeys ah laga gaari doono.
Sida uu sheegay afhayeenka Guddiga loo saaray xallinta arrinta xubnahan loo diidanyahay ka mid noqoshada Baarlamaanka iyo sidoo kale xallinta xubnaha la isku heystay ayaa sheegay in Guddiga uu go’aan ka gaaray xubnihii la isku heystay, isla markaasna intoodii badneyd la dhaariyey oo intoodii badneyd ay Baarlamaanka ka mid noqdeen, halka kuwa u badan hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya iyaguna maanta go’aan kama dambeys ah laga gaarayo.
Afhayeenku waxaa kale oo uu sheegay in xubnaha hore ee la isku heystay ay la kulmeen Odayaashoodii dhaqanka iyo Guddigii xallinta khilaafaadka ka dibna ay go’aan ka gaareen, taas oo keentay ayuu yiri in shalay la dhaariyo qaar ka mid ah xubnihii la isku heystay oo arrintooda la xalliyey kuwo kalena la dhaarin doono, wuxuuna intaasi ku daray afhayeenku in kuwa ay isku heystaan Guddiga Farsamada iyo Maxkamadda sare iyagana arrintooda go’aan kama dambeys ah laga gaari doono maanta oo axad ah, waxaana uu diiday inuu go’aankaasi ka soo hordhaco.
“Maanta oo axad ah ayaa go’aan kama dambeys ah laga gaarayaa ka mid noqoshada xubnaha hogaamiye kooxeedyada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan la kulannay intii aan howsha wadnay dadka ay quseyso arrinkan, runtii wadahalkii wuu miradhalay oo xildhibaanadii la isku heystay waa taa la dhaariyey shalay, kuwa dhiman ee hogaamiyeyaasha ahna maanta ayaan filayaa in go’aan kama dambeys ah maanta laga gaaro” ayuu yiri afhayeenku.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan {Jawaari} oo la weydiiyay halka ay mareyso xildhibaanadii loo diiday ka mid noqoshada Baarlamaanka xaaladooda ayaa waxa uu sheegay in weli arrintaasi ku jiraan Guddigii loo xilsaaray, wuxuuna intaasi ku daray in Guddigaasi go’aanka uu soo gaaro laga warsugayo, sidoo kalena mar la weydiiyey su’aal aheyd in doorashada Madaxweynaha qabsoomeyso iyadoo Baarlamaanka uu kala dhimanyahay ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu leeyahay kooram, haddii kooramka buuxsamana uu fadhiisanayo Baarlamaanka, waxna uu dooran doono, kana doodi karo arrimaha horyaalka oo dhan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.