FIFA Oo Ay Muqdisho Ku Tababareyso Macallimiin

jiinka August 15, 2013 Comments Off
FIFA Oo Ay Muqdisho Ku Tababareyso Macallimiin

Xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar uga furay 30 tababare oo ka kala yimid 25 koox oo ka diiwaangashan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

 

Macallimiinta ka qeyb galaysa tababarka waxay ka kala yimaadeen gobollada dalka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee Soomaaliya Maxamuud Macallin Yaxye ayaa sheegay in siminaarka ujeedkiisa uu yahay horumarinta tayada cayaaraha dalka,

 

Wuxuuna ballan-qaaday in ay wasaaraddiisu ku dadaali doonto sidii ay FIFA tababarradan oo kale uga hirgelin laheyd dalka.

Maxamuud Macallin Yaxye ayaa tilmaamay in tababarka oo socon doona muddo shan cisho ah ay FIFA u wakiilatay bixintiisa macallin u dhashay jasiiradda Seychelles.

Waa siminaarkii labaad oo ay FIFA ku qabato Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.