Magaalooyinka Afgooye iyo Afmadoow uu xalay ka dhacay Bandow

jiinka August 15, 2013 Comments Off
Magaalooyinka Afgooye iyo Afmadoow uu xalay ka dhacay Bandow

Gobolada Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose ee Magaalooyinka Afgooye iyo Afmadoow waxaa xalay ka dhaqan galay bandow ay kusoo rogeen maamulada ka taliyaya, iyadoo bandowgaasina lagu soo qabqabtay dad lagu eedeeyay iney jabiyeen.

 

Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa xalay lagu soo qabqabtay dad lagu eedeeyay iney jabiyeen bandow lagu soo gaya magaaladaas oo ay Police-ka degmadaas sheegeen iney ku sugayaan nabadgelyada.

 

Xalay ayaa bandowgaas oo maamlin ka hor lasoo rogay waxa uu ka dhaqan galay xaafadaha ay Afgooye ka kooban tahay,

Waxaana la sheegay inuu inta badan dhaqdhaqaaqii rayidka ee Afgooye istaagay markii la gaaray xiligii loo qabtay dadweeynaha iney ku xaroodaan guryahooda

 

Bandowgaas ayaa mid nuuciisa ah waxaa isna isla xalay ka hirgalay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay dhowr jeer oo isxig-xigtay weeraro ay dhiig ku daateen ku qaadeen Xarakada Al-Shabaab.

 

Waxaa bandowgaas ayaa la sheegay inuu barbar socday howlgalo ay sameeynayeen maleeshiyaadka taabacsan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe.), Waxaana lagu soo qabqabtay tiro oo dhalin yaro U badan.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.