Amisom oo baareysa ciidankeeda oo loo jeediyay eed kufsi

jiinka August 15, 2013 Comments Off
Amisom oo baareysa ciidankeeda oo loo jeediyay eed kufsi

AMISOM waxay sheegtay inay ka war qabto eedo loo jeediyay ciidankeeda oo ku saabsan fal kufsi ah oo la sheegay inuu ka dhacay xerada Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in la dhisay guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku sameyn doona arrintan, ayna ka qaadan doonto tallaabo macquul ah haddii ay dhacdo in ciidankeeda ay ku lug leeyihiin kufsiga la sheegay in loo geystay haweeney Soomaali ah.

 

AMISOM waxay tilmaantay in howl-galkeedu uu qeyb ka yahay horumarinta iyo dhawrista xuquuqda dumarka, waxayna cambaareysay gabood-fallada lagula kaco haweenka.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay muhiimad siiso, ayna ku wacyi-geliso ciidankeeda ka hor-tagidda tacaddiyada haweenka.

Saxaafada qaar ayaa qoray haweeney sheegtay in ciidamada AMISOM ay ku kufsadeen xerada Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.