Mareerey iyo Diinsoor Oo Ay Al-Shabaab la wareegtay isbitaallada MSF

jiinka August 15, 2013 Comments Off
Mareerey iyo Diinsoor Oo Ay Al-Shabaab la wareegtay isbitaallada MSF

Al-Shabaab ayaa la wareeegtay isbitaallada Diinsoor iyo Mareerey ee gobollada Baay iyo Jubbada Dhexe.

Isbitaallada ay kooxda la wareegtay waxaa maamuli jirtay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo shalay ku dhawaaqday inay xirtay dhammaan mashaariicdii caafimaad ee ay ka wadday Soomaaliya,

 

Kaddib markii ay kordheen weerarrada iyo hanjabaadaha loo geysanayo hay’adda iyo shaqaalaheeda.

Al-Shabaab ayaa la wareegtay agabkii kala duwanaa ee yaallay isbitaalka oo ay gacanta ku haysay hay’adda MSF Swiss, sida ay Saxaafada u sheegeen dadka ka mid ah deegaanka.

 

Waxaa isbitaalka Diinsoor io xafiiisyada hay’adda MSF Swiss ka howlgalayay 134 qof oo shaqaale u ahaa hay’adda, kuwaas oo shaqo la’aan ay ku dhacday.

Kooxda al-Shabaab wax hadal ah kama soo saarin sababta ay ula wareegeen agabka hay’adda ee Diinsoor.

 

Dadka ku nool gobollada Baay, Bakool iyo Gedo oo ku tiirsanaa adeegyada caafimaad ee hay’adda ayaa walaac ka muujiyay go’aanka MSF ay uga guurtay gobolka.

 

Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay isbitaalka Mareerey ee gobolka Jubbada Dhexe oo isna ka mid ah isbitaallada ay maamuli jirtay hay’adda MSF, sida ay Saxaafada u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

 

Waxay sheegeen inay arkeen koox ka tirsan al-Shabaab oo la baxeysa dhammaan qalabkii ku jiray isbitaalka.

Isbitaalka waxaa ku jira in ka badan 50 bukaan ah, kuwaas oo dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ay halkaas ku daweynayeen.

 

Isbitaalka Mareerey ayaa ahaa isbitaalkii ugu weynaa ee ay ku tiirsanaayeen dadweynaha ku nool gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

 

Hay’adda MSF ayaa xirtay mashaariicdii caafimaad ee ay ka wadday magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Balcad, Diinsoor, Gaalkacyo, Jilib, Jowhar, Kismaayo, Mareerey

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.