Qarax Khasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa lagula eegtay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Sida ay wararka laga helayo halkaas ay nagu soo gaarayaan ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay Xaafada Hanti-Wadaag Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe waxaana la sheegay in Kooxo hubeysan ay Bambaanooyin ku tureen goob ay Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Bam nuuca Gacanta laga tuuro isla markaana ay kooxo hubeysan ku weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyagoo intaasi ku daray inuu jiro Khasaro inkastoo aan la ogeyn khasaara rasmiga ah ee Ka dhashay.
Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiish Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan weerarkii Qarax ee lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.