Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga ayaa sheegay inay go’aansadeen sidii wadida gargaarka Bini-aadanimo ay siinayaan wadanka dagaalada ka soo kabsanaya ee Soomaaliya,
Waxayna sidoo kale shaaciyeen in marnaba Turkiga uusan ka rajo dhigi doonin marxaladaha isbadalaya ee dalka Soomaaliya ka jira.
Diplomaasi Turkish ah oo aan shaacin magaciisa ayaa Hürriyet Daily News u sheegay in gargaarka Soomaaliya ay ku caawinayaan ay u fuulayaan geed dheer iyo mid gaaban sidii marnaba hakad uusan u gali lahayn,
Wuxuuna dhanka kale diblumaasigan carabka ku adkeeyay in dowlada Turkiga mar waliba ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada ka daalay.
“Qaraxyo ayaa dhaco oo si toos ah anaga nagula bartilmaameedsado,l weyna dhacaan qasaaro iyo qasaaro daro wey jiraan,laakiin anaga arintaasi nama cabsi gelin doonto,waxaana naga go’an kaalmeynta Xukuumada iyo shacabka Soomaaliya.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Mas’uulkaan Turkishka ah ee la hadlay Hürriyet Daily News in Madaxda Dalka Turkiga marka ay qudbadaha ay jeedinayaan ay mar waliba ku cel celiyaan sidii ay qeyb kaga noqon lahaayeen Nabadeynta dalka Mudada 22-ka sano dagaalada ku soo jiray iyo sidii shacabkii mudadaasi ku noolaa loo Maskax dhisi lahaa.
Waxaa indhaha laga daboolan Karin dadaalka Turkiga uu ka wado Soomaaliya gaar ahaan Magaalada ,Muqdisho,waxaana gargaarka inta badan uu fuliyo Turkiga ka mid ah,ka qeyb qaadashada sare u qaadista waxbarashada dalka,caawinta Barakacayaasha iyo din u dhiska wadanka Soomaaliya.
Warkaan diblumaasiga Turkishka ah ayaa ku soo aadaya xilli Muqdisho ay ka dhaceen falal isugu jiro weeraro iyo Qaraxyo lala bartilmaameedsaday xarun ay ku sugnaayeen shaqaalo Turkish ah ,kuwaasi ooo qasaaro kala duwan ay geysteen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.