Waxaa mudooyinkii dambe isasoo taraye gaadiidleyda iyo shacabka ka cabanaya xirnaanshaha wadooyinka aada tarabuunka iyo tan eelaboorka aadan cade.
Axmed xasan cadow axmed daaci waa guddoomiyaha degmada wadajir oo bahda saxaafada u waramay waxna laga weydiiye xirnaanshaha wadada eelboorka aadan cade oo ay degmadiisa ka tirsantahay,
Isagoo sheegay in arrinkaa maamulkiisa aanan ku raacsaneen go’aan dowladu ay ka qaadatay waddooyinkaa
waxa uuna cod dheer uga dalbanayaa in dowladdu sida ugu dhaqsiyaha badan ay arinkaa wax uga badasho maadaama shacabku naftigooda ay ku dayanayaan.
Guddomiye axmed daaci ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in degmadiisa ay ka socdaan howlgalo lagu sugayo amniga guud ee degmada,
Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha in dowladda dhexe soomaaliya aanan xil iska saarin kala qeyb qaadashada amniga degamadaa.
Gudoomiye axmed daaci waxa tilmaamayaa in howlgaladaa la sii xoojin doona si nabedgelyo iyo amniga degmadaas loogu sugo, reer wadajirna waxaa uu ka dalbanayaa in ciidamada kala qeyb qaataan howlaha kasii socon doono degmada wadajir ee gobolka banaadir.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.