Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka hadlay arrmiaha doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, uguna baaqay musharixiinta inay…

xeydar September 9, 2012 Comments Off
Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka hadlay arrmiaha doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, uguna baaqay musharixiinta inay…

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo lagu wado inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxayna labaduba ku baaqeen in xildhibaanada Baarlamaanka cusub ay muuujiyaan mas’uuliyad, ayna doortaan Madaxweyne aqoon iyo karti- leh.
Ugu horeyn dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay sida ay u aragto doorashada xilka madaxtinnimo ee Soomaaliya ee lagu wado inay ka dhacdo magaalada Muqdisho berri Isniinta ah, taas oo ku beegan 10-ka bishan aynu ku jirno, iyadoo ay u taagan yihiin musharixiin gaareysa 25 musharax, waxaana war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu sheegay in10-ka bishan ay u tahay Soomaaliya maalin taariikhi ah, maadaama ay sugayaan inay dhacdo doorashada madaxweynaha.
Warka qoraalka ayaa loogu boorriyay mudanayaasha Baarlamaanka inay si xor ah oo caddaalad ah u doortaan musharraxa ay aaminsanyihiin in uu wax u qaban karo shacabka Soomaaliyeed ee muddada ku soo jiray dhibaatooyin kala duwan, sidoo kalena waxay dowladda Mareykanku ugu baaqday musharraxiinta ku guuldareysta tartanka doorashada in ay si sharaf leh u aqbalaan haddii laga guuleysto.
Dhinaca kale dowladda Ingiriiska ayaa iyana war ay soo saartay waxay ugu soo jeedisay xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya inay xilka madaxweynaha Soomaaliya u doortaan shaqsi u qalma jagadaas oo leh aqoonteeda iyo khibraddeeda, waxayna ku boorisay xildhibaanada in iyagoo kaashanaya damiirkooda ay shaqsiga ugu wanaagsan u doortaan hoggaanka dalkooda.
Dowladda Ingiriisku waxay u soo jeedisay musharaxa ku guuleysta xilka madaxtinimo inuu barnaamijkiisa ka qeybgaliyo dhinacyada Soomaalida, halka kuwa guuldareystana uu u soo jeediyay inay xushmeeyaan go’aanka baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo aan keenin qalalaase ama muran.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.