FiFA Khabiir Ka Socda Oo Soo Gaaray Muqdisho

jiinka August 13, 2013 Comments Off
FiFA Khabiir Ka Socda Oo Soo Gaaray Muqdisho

Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu diyaar garow xoogan ugu jiro tababarka heer FIFA ah ee dalka lagu qabanayo markii ugu horeysay muddo ku dhow 30 sanadood ayaa waxaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray khabiir ka socda ururka kubad acagta aduunka ee FIFA oo lagumagacaabo Ulric Mathiot,

 

Kaasoo ah macalinka bixinaya tababarkan noociisu yahay (FIFA MA Grassroots Course for Somalia) oo Muqdisho ka socon doona Muddo 5 maalmood ah.

 

Diyaaradii uu la socday Khabiirka ayaa soo caga dhigatay dhabaha diyaaradaha AadanCadde ee magaalada Muqdisho abaara 8-dii subaxnimo ee saaka waxaana garoonka kusii sugayay oo soo dhaweeyay madax ka socota xiriirka oo ay ka mid yihiin xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo guddoomiye ku xigeenka Cali Cabdi Maxamed (Shiine) kuwaas oo ilaa iyo saaka waabarigii hore kusii sugayay garoonka.

 

“Aad ayaan uigu faraxsanahay macalin Ulric Mathiot, waa khabiir aad ugu xeel dheer wax barida macalimiinta waana taas mida keentay in FIFA markii sadexaad noosoo direyso tan iyo 2009-kii—waxaan leenahay Macalin Ulric kusoo dhawow Soomaaliya una qaado dalkaagii oo kale”ayuu,

 

War saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab wax yar kaddib markii kahbiirku Muqdisho soo gaaray saakay.

“Qabashada tababar Heer FIFA ah dalka gudihiisa markii ugu horeysay tan iyo 1986-kii waxaa ay astaan u tahay dib usoo laabashada nabada Soomaaliya waxaana rajeyneynaa horumar intaa ka balaaran oo dhinaca nabada iyo degenaashaha ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Mr Cabdi Qani Saciid carab.

 

Tababarkan FIFA ayaa waxaa uu Mqudisho ka qabsoomi doonaa inta u dhexeysa 15-19-ka bishan waxaana uu daah fur u noqonayaa dhamaan barnaamijyadii FIFA ee Soomaaliya oo loosoo wareejinayo dalka Soomaaliya iyadoo muddo kabadan 20 sanadood Soomaaliya ay barnaamijyadeeda ku qabsan jirtay dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti.

 

“Jabuuti waligeed waxaa ay ahaan doontaa dalkeena labaad”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Sida ku cad jadwal howleedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta laba tababar oo kale oo Heer FIFA ay ayaa bisha inasoo aadan lagu qaban doonaa magaalada Mqudisho.

 

Tababaradaas noocyadoodu waxaa ay kala yihiin (FIFA MA medical course and FIFA MA beach soccer course).

“Ma ahan oo keliya tababarada laakin waxaan ku rajo weynahay in cayaaraha caalamiga ahna aan ku qabsano dalkeena,

 

Waxaana rajeyneynaa taasi in ay dhacdo marka uu soo dhamaado dhismaha garoonka Banaadir”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Koorsadan FIFA ee dalka gudihiisa lagu qabanayo ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhawaan ururka FIFA uu aqbalay codsigii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee ahaa in loo ogolaado barnaamijyad aFIFA oo dhan in uu dalka gudihiisa ku qabsado,

Si looga badbaado kharashaadkii xiriirka kaga bixi jiray safarada dibadaha loogu qaadayo ku dhawaad 40 qof markiiba.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.