Taliska ciidamada Meletariga ee gobolada Baay iyo bakool ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan dhaca, dilka iyo falalka kufsiga oo ciidamada ay ka geystaan deegaanada goboladaasi.
Ibraahim Yarow, taliyaha ciidamada qeybta 60 oo saxaafada la hadlay ayaa arintaasi u sababeeyay inay ka dambeeyaan ciidamada ilaalada gaarka u ah masuuliyiinta gobolada Baay iyo Bakool.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowlada aysan kamid ahaan doonin dad si qabyaalad ahaan loosoo abaabulay kuwaasi ilaalo u ah masuuliyiinta maamulada, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Ibraahim Yarow, ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay gudoomiye ku xigeenkii magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Waxaana taliyaha uu xaqiijiyay inay dilka gudoomiye ku xigeenkii Baydhabo ay ka dambeeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.