Howlgal Lagu Xiray 40 Qof Oo Beledweyne Ka Dhacay

jiinka August 13, 2013 Comments Off
Howlgal Lagu Xiray 40 Qof Oo Beledweyne Ka Dhacay

40 ruux ayaa lagu soo qabtay howlgal xalay ciidamada booliska dowladda Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ay ka sameeyeen xaafadda Buundo 1-aad ee magaalada.

 

Taliyaha saldhigga booliska Beledweyne Cali Cabdi Mahad-Alle oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii lagu soo qabtay howlgalka dib loo sii daayay ka dib markii lagu waayay wax dambi ah,

 

Halka 10 kale wali ay baaqi ku yihiin saldhigga ciidamada booliiska, kuwaas oo baaritaanno lagu wado.

 

Dadka lagu soo qabtay howlgallada ayaa lala xiriirinayaa falal amni darro oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Howlgallada ayaa ku soo beegmaya xilli xalay gudaha magaalada Beledweyne lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.