Hal Qof ayaa ku geeriyooday iska hor’imaad shalay ka dhacay duleedka degmada Dhuusmareeb kadib markii ciidamo taabacsan Ahlusuna ay isku dayeen iney soo qabtaan dad la sheegay iney jarayeen dhirta.
Iska hor’imaadka oo ka dhacay deegaan miyi ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Xananbuuro ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Ahlusuna ay isku dayeen iney soo qabtaan dad lagu eedeeyay iney jarayeen dhirta,
Taasina waxey sababtay iska hor’imaad uu hal qof ku dhintay, waxaana dagaalku soo gaaray gudaha magaalada Dhuusamareen oo ay iminka isku hor fadhiyaan labada ciidan.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ahlusuna iyo maleeshiyo Beeleed ku hubeysan gaadiidka dagaalka,
Iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada Dhuusamareeb oo saaka an la furin goobihii ganacsiga, maadama ay labada ciidan isku hor fadhiyaan gudaha magaaladaasi.
Maamulka magaalada oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa dadaal ugu jira sidii loo baajin lahaa dagaal kale oo ka dhaca gudaha magaalada Dhuusamareeb.
Maamulka Ahlusuna kama hadlin dagaalkan iyo waliba dhiillada colaadeed ee saaka ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.