Ra’iisul Wasaarahii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa dhaliilay Dowladda uu hogaanka uhayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in talada dalka Soomaaliya aysan laheyn kaliya saddex ruux sida uu yiri balse talada dalka iyo hogaamintiisa ay ka dhaxeyso shacabka Soomaaliyeed.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay istoosiyaan sida uu sheegay shacabka Soomaaliyeedna hogaan wanaagsan ay ku hagaan,maadaama ay yihiin madaxdii dalka Soomaaliya.
Mar uu ka hadlaye ciidamada Kenya ee jooga dalka Soomaaliya ayuu sheegay inaysan habooneyn in Kenya loogu abaalgudo in dalka Soomaaliya ka bax la dhaho,maadaama Dowladda Kenya ay ugurmatay shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay si dhankeeda aan wax uga weydiino eedeynta uu ujeediyay Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka ayaa ka gaabsatay inay ka hadashay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.