Hay’adaha Kismaayo Oo Loo Jeediyay Digniin

jiinka August 12, 2013 Comments Off
Hay’adaha Kismaayo Oo Loo Jeediyay Digniin

Sarkaal lagu magacaabo Macalin Cabdi islamarkaana sheegay inuu yahay taliyaha nabad sugida ee magaalada Kismaayo kana tirsan saraakiisha ku sugan magaalada ayaa sheegay inay digniin u jeedinayaan hayadaha samafalka.

 

Wuxuu sheegay in xafiiska hayadahaasi aysan ka shaqo galin karin maanta 8 Subaxnimo isagoo aan sheegin magacyada hayadaha, laakiin wuxuu cadeeyay in dhamaan hayadaha ay yihiin.

 

Waxyaabaha keenay in hayadahaasi ay ka mamnuucaan magaalada Kismaayo ayuu ku sheegay inay tahay kadib markii ay isku koobeen ka shaqeynta danahooda oo waxba aysan ku qaban dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.