Ku dhawaad sadax boqol qoys danyar ah oo ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hay’adda Relief waxa ay u qaybisay deeq raashin ah, iyadoo deeqdaasi ay ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada.
Madaxa hay’adda Somali Relief Ibraahim Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in lacagta ay ku iibiyeen deeqda raashinka ah ee la gaarsiiyay qoysaska ku nool degmada Afgooye ay tahay mid ay iska soo uruuriyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ku dhaqan, isagoo intaa ku daray in kaalmadaasi ay ugu talagaleen qoysaska danyarta ah ee Afgooye ku nool.
“Deeqdaan waxaa ka faa’iideystay qoysas danyar ah, teeda kale waxaan ognahay in tani aysan buuxin Karin baahiyaha ay tabayaan qoysaska halkaan ku nool, laakiin waxaan qorsheyneynaa in aan sii balaarino kaalmooyinka nuucaani oo kale” ayuu Ibraahim hadalkiisa raaciyay.
Qaar ka mid ah dadkii kaalmadaasi raashinka ah loo qaybiyay ayaa Saxaafada u sheegay in ay uga mahadcelinayaan dadkii kaalmadaasi soo gaarsiiyay, waxaana ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in gurmad kale oo dheeraad ah ay la soo gaaraan.
Kaalmooyinka la gaarsiiyo qoysaska danyarta ah ayaa waxa ay wax weyn ka badashaa xaaladaha nololeed ee dadkaasi haysta, inkasta oo taasi aysan buuxin Karin baahiyaha kale ee qoysaskaasi ku noolyihiin.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.