warbixin Boqor Faarax Cabdi Guure intii uu Kampala joogay

xeydar August 12, 2013 Comments Off
warbixin Boqor Faarax Cabdi Guure intii uu Kampala joogay

Boqor Faarax Cabdi Guure oo intii uu Kampala joogay la kulmay Qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Uganda.

Boqorka Beelaha jareer weyne Islamarkaana ah gudoomiyaha golaha Sanadiinta ee wacyigalinta iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed, Injineer Faarax Cabdi Guure oo dalka Uganda u Yimid martiqaad uu ka helay Boqorka Bugadhaha ee dalka Uganda,
ayaa intii uu joogay Magaalada Kampala waxa uu la kulmay qaar kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed iyaga oo halkaa si weyn ugu soo dhaweeyey, Boqorka ayaa shirar uu la yeeshy beelaha Soomaaliyeed ee Uganda kusugan waxa uu kala hadlayey sidii ay uga shaqyn lahayeen arimha nabada islamrkaana ay u garab istaagi lahaayeen Dawlda Soomaliya ee Rasmiga ah, isaga oo sheegy shacabka oo maanta Dowladooda taageero weyn siiya in ay Soomaalidu uga bixi karto dhibaatada iyo Colaadaha ay mudada dheer ku soo jireen.

Boqor Faarax ayaa u Mahadnaq u soo jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda gaar ahaana Gudoomiyahooda Xuseen Abuukar (Xuseen Garweyne).

Boqorka oo ka hadlayey martiqaadka uu u sameeyey Boqorka Bugaandhada ee dalka Uganda ayaa sheegay in ay siquruxbadan ay ugu dhamaatay, isaga oo hogaaminayey ilaa todoba qof oo ka kooban Qaybaha ay soomaalidu wax ku qaybsato iyo laba xubnood oo ahaa Xubno sharafeed, Boqorka ayaa Martiqaadkaas oo uu kula kulmy Boqoro kale oo Afrikaan ayaa qaar kamid ah Boqoradii ay is arkeen ay iyana u fidiyeen Martiqaadyo kala Duwan.


Boqorka Beelaha Jareerweyne Injineer Faarax Cabdi Guure ayaa ah nin jecel nabada waxaana lagu xasuusan karaa xiliyadii ay Soomaaliya ugu xumayd oo uu madax u ahaa Daladii Injineerada Soomaaliyeed ee DALTA taas oo samaysay barnaamijyo dad badan shaqo loogu abuurayey.

Duurgal
Kampala- Uganda

Comments are closed.