Magacyada xildhibaanada cusub ee shalay la dhaariyey ka dib markii la xalliyey khilaaf ka taagnaa arrinkooda

xeydar September 9, 2012 Comments Off
Magacyada xildhibaanada cusub ee shalay la dhaariyey ka dib markii la xalliyey khilaaf ka taagnaa arrinkooda

Waxaa shalay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 9-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo muddooyinkii ugu dambeeyay u xayirnaa is qab qabsi beelahooda la xariiray iyo kuwo tan iyo markii la magacaabay aan soo gaarin magaalada Muqdisho.

Xubnaha shalay la dhaariyey oo gaarayey illaa 9-Xildhibaan oo intooda badan horay la isku heystay ka mid noqoshadooda xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in arrinka xildhibaanadan cusub ay go’aan rasmi ah ka gaareen Guddi uu Baarlamaanka u saaray inay xalliyaan xildhibaanada la isku heysto.

Xubnahan oo in badan la isku heystay ayey Guddiga uu Baarlamaanka u saaray oo ka kooban 10-xubnood waxay sheegeen inay xalliyeen khilaafyadii ka jiray arrinka xildhibaanada cusub ee la dhaariyey ka dib markii ay la kulmeen Odayaashii dhaqanka ee beelaha ay ka soo jeedaan iyo Guddiga xallinta khilaafaafka ee Odayaasha dhaqanka, waxayna xuseen in lagu guuleystay xallinta xubinihii la isku heystay, inta dhimanna maanta iyaguna go’aann laga gaari doono, waxayna magacyadoodu kala yihiin xildhibaanada shalay la dhaariyey sida tan:-

Cabdi Barre Xuseen, Saalax Axmed Xuseen, Maxamuud Axmed Nuur {Tarsan}, C/raxiin Cabdi Abiikar, Maxamed Amiin Xasan, Nadiifo Maxamed Cusmaan, Faadumo Nuur Maxamed, Bishaar Ugaas Ibraahim iyo Sooyaan Cabdi Warsame, waxaana xusid mudan in labo ka mid ah xildhibaanadan aan la dhaarin ka dib markii ay soo xaadiri-waayeen xarunta golaha shacabka oo uu Baarlamaanka ku shirsanaa, isla markaasna dhaarta xildhibaanadu ay ka dhaceysay halkaasi.

Berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madxaweynanimo ee Soomaaliya, iyadoo qabsoomidda doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ay ku soo aadeysa xilli uusan dhameystirneyd Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaar ka mid ah weli la isku heysto, waxaana laga yaabaa in musharixiinta looga adkaado tartanka ay marmarsiiyo ka dhigtaan in xildhibaano badan oo codka siin lahaa ay ka maqnaayeen Baarlamaanka sidaasi awgeed ay sharci-darro tahay qaabka loo maamulay doorashada.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.