Fatahaad Wabiga Shabeelle Ayaa Laga Qabaa Baqdin

jiinka August 11, 2013 Comments Off
Fatahaad Wabiga Shabeelle Ayaa Laga Qabaa Baqdin

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha hoose deegaano ka tirsan ayaa sheegaya in baqdin laga qabo fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelaha hoose ee mara deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

 

Guddoomiyaha deegaanka Janaale Maxamed Idiris Cabdi Keeroow oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in hada ay jirto cabsi xoogan oo ku aadan fatahaad wabiga uu sameeyo.

 

Wuxuu sheegay in biyo badan uu keenay wabiga,dadka deegaankana ay muujinayaan walaac badan hadii wabiga uu soo fataho oo uu saameyn adag ku yeelanayo dhamaan deegaanka iyo deeganada kale ee wabiga uu maro.

 

 

 

cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

 

 

Comments are closed.