Wareejinta Dekedda Kismaayo Oo Diidday Kenya

jiinka August 10, 2013 Comments Off
Wareejinta Dekedda Kismaayo Oo Diidday Kenya

Dowladda Kenya ayaa diidday baaqyo loo diray ciidankeeda jooga Kismaayo oo ku saabsanaa inay dekedda iyo garoonka Kismaayo ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya.

 

Taas beddelkeeda waxay Kenya soo jeedisay in wareejinta labadaas xarumood ee muhiimka ah ay ka wada xaajoodaan dowladda federaalka iyo hoggaanka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka si waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

 

Xog-hayaha difaaca ee Kenya Monicah Juma iyo xog-hayaha arrimaha dibadda ee Kenya Karanja Kibicho ayaa ka sheegay shir jaraa’id in tallaabada wareejinta dekedda ay horseedi karto dareen xasillooni darro iyo dagaal hor leh.

 

War murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedkii Kampala, hoggaamiyayaasha gobolka ayaa ku heshiiyay in la soo afjaro muranka la xiriirka maamulidda dekedda iyo garoonka Kismaayo, iyadoo dowladda federaalka lagu wareejinayo maamulidda magaalada Kismaayo.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.