Maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta soo bandhigay labo dhallinyaro ah oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab.
Guddoomiyaha xaafadda Kulmis, Yaxye Xasan Sheekh oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in soo qabashada ragga ay ku timid wada shaqeyn dhex martay shacabka xaafadda iyo ciidanka ammaanka.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Jowhar Cabdirsaaq Qooble ayaa isna sheegay in labada dhallinyaro lagu xiray saldhigga degmada, isagoo intaa raaciyay in la weydiinayo su’aalo loo xiriira eedaha loo haysto.
Guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdulle ayaa ugu baaqay dadweynaha degmada Jowhar inay ciidanka kala shaqeeyaan ilaalinta ammaanka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.