Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabelaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaalo ah oo dhacay.
Gen. Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha hogaaminaya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen xoogagga Al-shabaab, isagoo xusay inay halkaas isaga baxeen ciidamadii Al-shabaab, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegeen gacan ku heynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay ka talin jireen Al-shabaab”.
Degmada Warsheekh oo Muqdisho dhinaca bari ee xeebta badweynta Hindiya kaga beegan qiyaastii 60-km ayaa noqoneysa degmadii labaad ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay la wareegaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaana la sheegay in markii ay ciidamada halkaasi tageen ay ka sameysteen duleedka magaalada dhufeyso.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan qabsashada degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe, sidoo kalena ciidamada AMISOM kama aysan hadlin qabsashadan, waxaase ay sheegeen toddobaadkii hore inay la wareegeen gacanta ku hanta dekedda Ceelmacaan oo aan wax dagaal ahihi ka dhicin.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.