Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan seddex ruux oo ajaaniiba ah kuwaasi oo ciidamada Alshabaab la socday kuna dhintay degmada Afmadow weerarka lagu qaaday, sida wakaalada wararka Xinhua ay kasoo xigatay saraakiil AMISOM ka tirsan.
War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM midowga Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fashiliyiin ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
“Intii la joogay gelinkii dambe weerar dhacay, 24 Alshabaab ah ayaa la dilay, seddex kamid ah waxay ahaayeen ajaaniib, kuwo kale oo Alshabaab ah wey baxsadeen iyaga oo dhaawac ah”ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.
Alshabaab ayaa dhankooda sheegay inay gudaha u galeen degmada Afmadow ee gobolka Shabeelaha Hoose.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.