Gudi Oo Dowlada U magacowday Bur-Burkii Diyaarada

jiinka August 9, 2013 Comments Off
Gudi Oo Dowlada U magacowday Bur-Burkii Diyaarada

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle, Muqdisho ay ku gubatay diyaarad xamuul ah. Ilaa iyo hadda xogta hor-u-dhaca ahi waxay tilmaamaysaa in dhacdadani tahay shil cilad farsame awgeed (technical fault).

 

Haddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxaa DFS magacawday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban xubnaha hoos ku xusan:

 

(1) Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye

(2) Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin
(3) Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin
(4) Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin
(5) Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin
(6) AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)
(7) SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

Dawladda federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay khasaaraha dhacay waxayna tacsi u direysaa dhamaan intii ku wax yeelowday.

 

Si loo helo xogta dhabtaa ee la xariirta shilkaan waxaa lagu adkaynayaa xubnaha guddigu inay si dhaqsa ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.