Guddoomiyaha gobolka shabelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa munaasabadda ciidul fitriga awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku noolyihiin gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolkaasi.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Saxaafada ayaa shaaaca ka qaaday in sanadkaan si xor ah looga wada ciiday guud ahaan, isagoo intaa ku daray in uu farqi weyn u dhexeeyo ciiddii hore iyo tan maanta oo uu tilmaamay in si nabad ah looga wada ciiday gobolka.
“Waxaan shacabka u rejeynayaa in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku ciidaan bash bash iyo baraarre, teeda kale shacabka ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose waa cusub ayaa u baryay, maxaayeelay waxaa laga dulqaaday dhibaatadii ay kooxda argagixisada ah ee Al shabaab ku hayeen” ayuu Guddoomiyaha hadalkiisa ku daray.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bushada ku dhaqan gobolka inay ka wada shaqeeyaan horumarka iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cidkasta oo u bulshada u horseedeysa dhibaato.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.