Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in deeq waxbarasho ah ay ka heleen dalkaYeman, kaasi oo ay isugu jiraan waxbarashada sare iyo mida koowaad ee heerka Jaamacadda.
Drs Maryan Qaasim ayaa xustay in Wasaaradda ay sameyay guddi ka kooban sagaal qof oo ka madax banaan Wasaaradda,
kuwaasi oo loo xilsaaray in ardayda deeqahaasi ka faa’iideysanaysa ay imtixaan ka qaadaan, taasi oo ay ku sheegtay in ay meesha ka saari doonto wax isdaba marin ama inay yimaadaan tuhun ah in wax la is dabo mariyay.
“Deeqdaan aan helnay waa kursiga ardayga kaliya oo ah mid waxbarasho ee maku jirto tan nooliga ah, waxaana Yemen ka helnay 90 deeq oo Bachelor ah, iyo 10 waxbarashada sare ah, iyadoo 90-ka loo kala qaybiyay 20, Ardayda Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan in ay ka faa’iidesytaan ee dugsiga sare dhameeystay, 12 waxaan u qoondeeynay ardayda ku nool Somaliland, 13 arday Puntland ku dhaqan, halka 45-ka kursi ee soo hartay ay ka dhexeysa ardayda kale” ayay hadalkeeda ku dartay Drs Maryan Qaasim.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in isdiiwaan gelinta ardayda ka faa’iideysanaysa deeqdaasi ay ka bilaabanayso xarunta Wasaaradda, gaar ahaan agaasinkeeda waxbarashada 10-ka bishaan oo ku beegan Sabtida soo socota, iyadoo ay isqoristu ku egtahay 20-ka bishaan.
Maxamed Cabdiqaadir Nuur oo ah Agaasimaha Wasaaradda Hormarinta Adeega Bulshadda qeybta waxbarashada ayaa waxa uu sheegay in gudigga ay Wasaaraddu u xilsaartay maamulidda deeqaha waxbarasho uu yahay mid lagu kalsoonyahay,
Islamarkaana wixii karaankooda ah ay isku dayi doonaan in si caddaalad ah loo maamulo deeqahani.
Deeqdan waxbarasho oo Wasaaradda Hormarinta Adeega Bulshada maanta ay u soo bandhigtay ardayda Soomaaliyeed ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada kor loogu qaadayo waxbarashada u baddka Soomaaliyeed,
Iyada la ogsoonyahay in sanad kasta ay Dugsiyada Dalka ka soo baxaan boqolaal arday, kuwaasi oo intooda badan aysan u suurta gelin in ay waxbarashada sii wataan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.