Kismaayo Oo Kenya Ka Bixitaanka Shuruud ku xirtay

jiinka August 7, 2013 Comments Off
Kismaayo Oo Kenya Ka Bixitaanka Shuruud ku xirtay

Dowlada Kenya, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay wareejiso ilaalinta magaalada dekada muhiimka leh ee Kismaayo,iyadoo ka digtay in nidaam darada Kismaayo ay sababi karto in Alshabaab ay ku dhiiradaan weerarka Kismaayo.

 

“Dowlada Kenya waxay diyaar u tahay inay iska dhiibto Garoonka iyo Dekada, laakiin waxaa waajib ah inaan ku wareejiso qof, kaasi oo soo maraa wadada wadahadalka,Haddii kale, haddii aan hadda ka baxno waxaana kusoo laabanaya kuwii hore”sidaasi ayuu yiri Karanja Kibicho oo ah xogheynta maamulka wasaarada arimaha dibada ee dalka Kenya.

 

Dowlada Kenya, ayaa sheegtay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya, sida masuulka u hadlay uu sheegay.

La taliyaha wasaarada arimaha dibada Kenya Zaddock Madiri Syong’oh, ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada Kenya haddii ay ka baxaan magaalada Kismaayo ay keenayso in sida ugu dhaqsiyaha badan Alshabaab ay ku galaan magaalada Kismaayo, sida uu sheegay.

 

Ciidamada Kenya, ayaa qeyb ka ah ciidamada AMISOM waxaana ay Alshabaab ka sareen magaalada Kismaayo bishii September ee lasoo dhaafay.

Xiriirka ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay waxii kadambeeyay markii Kenya lagu eedeeyay inay taageerayso maamulka Axmed Madoobe.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.