Heshiiska Shirkadda Soma Oil Oo Saliid ka B.Dalka

jiinka August 6, 2013 Comments Off
Heshiiska Shirkadda Soma Oil Oo Saliid ka B.Dalka

Kulan balaaran oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa maanta heshiis ku kala saxiixday Wasaarada Kheyraadka dalka iyo Shirkad laga leeyahay dalka Britain oo baaritaan ku samayn doonta bariga iyo bada Soomaaliya.

 

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar iyo Agaasimaha Soma Oil and Gas Exploration ayaa maanta ku dhawaaqday heshiiscusub oo ay wada gaaren shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exlpolration LTD oo laga leeyahay dalka UK.

 

Wuxuu sheegay in sahminta shidaalka iyo saliida ugu yaraan ay qaadan karto ilaa afar sanadood,ugu horeyna shaqada ay ka bilaabanayso dhanka badda.

Ujeedada heshiiskaan ayaa wasiirka wuxuu ku sheegay inay tahay horumarinta kheyraadka dalka Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.