Waxaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland Wafdi uu hogaaminayo Safiirka dowladda Britain u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Neil Wigan iyo wafdi uu Horkacayo.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr C/rixmaan Faroole iyo Ambassador Neil Wigan ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland kadib kulan saacado qaatay oo ay yeesheen.
Kulankan oo ahaa mid isbarasho guud ah iyo kala war qaadasho ayaa waxa wehelinayay safiirka xubno ka socday xafiiska horumarinta iyo saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda Britain.
Wasiirada Qorshaynta, caafimaadka, Maaliyada iyo amniga ayaa kala qaybgalay madaxweynaha kulanka Safiirka Britain.
Qodobadda Miiska saaran ayaa waxa ka mid ah Amniga, dastuurka Somalia, xiriirka DF Somalia iyo Puntland, Maareynta deeqaha caalamiga, iyo taageerada ay Britain siiso Puntland.
cumar c/rashiid
cumarrshid@gmail.com
Comments are closed.