Degmada Wardhiigleey oo saaka dableey ku hubeysan Bastoolado ay Max’ed Axmed Taako oo ah Guddoomiye ku xigeenkii Degmada W/dhiigleey ay toogteen.
Goob Joogayaasha ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka uu la socday Nin ilaalo ah , islamarkaana kooxihii hubeysnaa ay dhaawaceen iyagoo kadibna toogtay Guddoomiye Ku xigeenka.
Ciidamoo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa durbaba goobta gaaray kuwaasi oo howl gallo xoogan halkaasi ka sameeyay inkastoo dableydii halkaasi dilka ka geysatay ay goobta isaga baxsadeen.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka dowladda iyo Maamulka Degmada W/dhiigleey ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaani hayeeshee Maalmihii dambe ayaa waxaa dilal iyo falal ammaan xumi ay ka jireen inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.