Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan in dalalka Africa inay ka qeyb qaataan nabadeynta iyo sidii Alshabaab looga saari lahaa dalka Soomaaliya.
“Muhiimadeena koowaad ilaa sedeexaad waxay tahay inaan xididada ka siibno Alshabaab, si amaan buuxa looga dareemo qaranka Somalia,”ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya kadib kulankii Kampala.
Madaxweynaha kenya ayaa shegay in dowlada Soomaaliya uu u sheegay in loo bahan yahay kordhinta ciidamada ka howlgala dalka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay sameeyaan suurtagalnimada taageerada dhaqaale ee ciidamada AMISOM si buu yiri loo dhameystiro amaanka dalka Soomaaliya.
“Waxaan ka dalbaneynaa hayada caalamka inay wadaan taageerada ciidamada howlgalka ka wada dalka Soomaaliya”ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha dalka Kenya, isagoo sheegay in dowlada kenya ay sii wadeyso taageerada ka shaqeynta nabada dalka Soomaaliya.
Dalka Kenya waxaa ku sugan qaxootiga ugu badan Soomaaliya, waxaana ay qaarkood ku sugan yihiin magaalooyinka dalkaasi halka qaarkood ay ku jiraan xeryaha qaxooriga Kenya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.