Ku dhawaad 30 Xubnood oo kamid ah Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo maanta kulan isugu yimid Magaalasda Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen arimo badan oo la xiriira Xaalka uu Dalka uu marayo iyo sidoo kale Ololaha Doorasho ee ka socanaya Dalka Soomaaliya.
Xildhibaanadaan ayaa qaar kood waxa ay ka cabaneyeen Musuq maasuq ay sheegeen in ay hareeyeen Xubnaha Dowladda Soomaaliya iyagoona dhinaca kale tilmaamay in lacago ay lahaayeen la lunsaday sidoo kale waxa ay sheegeen in Daryeel la,aan ay soo foodsaartay.
Mudanayaashan ayaa sheegay in xubnahooda ay ku waayeen dalka Soomaaliya,iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana ay sheegeen inay u baahan yihiin caafimaad.
Xildhibaanada Maanta saxaafada la hadlay ayaa waxaa ka midah xildhibaan Weekiyo,Xildhibaan Cabduqaadir Sheikh Ismaaciil iyo Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim.
Xildhibaanadaan ayaa tusaalo usoo qaatay qaraxii ka dhacay Hotel Muna maalin ramadaan ah 15,iyagoo sheegay inay dhaawacyo walli ay qabaan xildhibaano.
Waxaa ay ugu dambeyn sheegeen in dhaqaalahoodii maanta loo adeegsanayo ololaha doorashada madaxweyne ee ka socota magaalada Muqdisho.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.