Jowhar Oo Laga Sameeyay Howlgalo Balaaran

jiinka July 30, 2013 Comments Off
Jowhar Oo Laga Sameeyay Howlgalo Balaaran

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ee dowladda Soomaaliya aya hadlay howlgalo Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada dowlada ka fuliyeen Magaalada Jowhay shalay iyo Xalay ayaa sheegay in uu ahaa mid amaanka Degmada lagu xoojinayay.

 

Afhayeenka Maamulka gobolka Daa’uud Xaaji Ciro oo Saxaafada Waraysi siiyay ayaa Waxa uu sheegay in Howlgalkaa uu ahaa mid Ciidamada Amaanka iyo kuwa AMISOM ku baadi goobayeen kooxa uu sheegay in ay ka tirsan yahiin Ururka Alshabaab oo hub sharci daro ah la soo galay Magaalada Jowhar Xaafada ka mid ah.

 

Mr Ciro waxa uu sheegay in Kooxaha ay ka war haleen in Magaalada ay joogaan sidaa daraadeedna waxa uu tilmaamay in Ciidamada amaanka loo howlgaliyay si gacanta loogu soo dhigo Kooxaha Nabadiidka ah ayuu yiri Gudoomiyaha.

 

Waxa uu sheegay in Howlgalkaa ay sii wadi doonaan inta laga soo afjarayo kooxa uu sheegay in dhibaata ku hayaan Bulshada Gobalka Sh/Dhexe waxa uuna ugu baaqay shacabka Magaalada Jowhar iyo Degmooyinka kale e Gobalka in ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa Kooxaa shabaab ee dhibka ku haya.

 

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaa shanaya Ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM ayaa howlgalo kala duwan ka fuliyay Xaafadaha Magaalada Jowhar shalay ilaa iyo Xalay waxa ayna ku soo qab qabteen dhalinyaro kala duwan oo lala xariiriyay Falal amaan daro.

 

Hayeeshe Howlgalkaa ayay sheegeen Saraakiisha amaanka Magaalada Jowhar in ay ku soo qabteen hub iskugu jira waxyaabaha qarxa oo laga soo qabtay Xaafada ka mid ah xaafadaha jowhar waxana dadkii la soo qab qabtay lagu hayaa Saldhiga Magaalada Jowhar.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.