Aas Qaran D.Turkiga Askarigii Looga Dilay Muqdisho

jiinka July 30, 2013 Comments Off
Aas Qaran D.Turkiga Askarigii Looga Dilay Muqdisho

Askarigii dalka Turkiga uga geeriyooday magaalada Muqdisho weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarun shaqaalaha dalka Turkiga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa aas qaran loogu sameeyay dalkaasi Turkiga.

 

Xaflada aaska qaran aheyd ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ka tirsan dalka Turkiga oo uu ugu horeeyo Wasiirka arimaha gudaha dalka Turkiga iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladaasi.

 

Waxaa goobta ka muuqday ehelada askarigaasi oo si weyn ay uga muuqatay sida ay uga naxeen geerida ku timid wiilkooda Soomaaliya joogay.

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal ayaa sheegay in weerarkii askarigaasi lagu dilay uu ahaa mid arxandaro ah oo ay geysteen Ururka Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa horay uga tacsiyadeeyay Dowladda Turkiga askariga uga geeriyooday Magaalada Muqdisho.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.