Taageerada Soomaaliya Oo Qm Ay Sii Wadayaan

jiinka July 30, 2013 Comments Off
Taageerada Soomaaliya Oo  Qm Ay Sii Wadayaan

Ban Ki-moon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo xubnaha golaha ammaanka ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii ismiidaminta oo Alshabaab ay ku qaadeen guri shaqaalaha Turkey ay ka daganaayeen magaalada Muqdisho,

 

Kaasi oo natiijadiisa ay aheyd geerida shaqaale Turkey iyo shacabka Soomaaliyeed iyo dhaawaca dad kale.

 

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu si xoogan u cambaareynayaa weerarkii 27-kii bishan ka dhacay guriga shaqaalaha safaarada Turkey ee magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri warasaxafaadeed uu saxaafada ku siiyay afhayeenka xoghayaha Ban Ki-moon.

 

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in tacsi Ban Ki moon uu udiray ehelada dadkii ku dhintay weerarkii magaalada Muqdisho iyo dowlada Turkey iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Warka kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay in weerada Alshabaab ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya inaysan yareyn doonin garab istaagida beesha Caalamka ee ku aadan dhismaha dhanka amaanka iyo dalka oo idil.

 

Sidoo kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankooda ku biiray dhinacyada cambaareynta weerarkii loo geystay guriga shaqaalaha Turkey ee magaalada Muqdisho,

 

Waxay sidoo kale cambaareeyay weerarada lala eeganayo qunsuliyadaha iyo wakiilada ku sugan Soomaaliya.

 

Golaha ammaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkii loo geystay shaqaalaha Turkey.

Dhanka kale golaha amaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka iyo dhanka amaanka Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.