Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya afduub loo geystay mid ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka cusub.

xeydar September 8, 2012 Comments Off
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya afduub loo geystay mid ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka cusub.

Nabadoon Cismaan Cadaawe oo ka mid ahaa waxgaradkii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waxna ka ansixiyey dastuurka cusub ayaa shalay lagu afduubtay magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi u xaqiijiyey warbaahinta C/raxmaan Sheekh Axmed oo ka mid ah ehelada nabadoonka la afduubtay.

 
Mr. C/raxmaan waxaa kale oo uu sheegay in Nabadoon Caddaawe laga afduubtay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, isla markaasna ay afduubteen kooxo aan la garaneyn oo gurigiisa kala baxay,waxaana sidoo kale ka hadlay afduubka nabadoonka Maxamuud Muqtaar Sharma’arke oo isna ay isku beel ka soo jeedaan kaas oo sheegay in markii ay la xiriireen dadkii afduubtay Nabadoon Cismaan Caddaawe inay weydiiyeen dhaqaalo uusan sheegin cadadkooda, wuxuuna intaasi ku daray in kooxaasi ay sidoo kale u sheegeen haddii aan la siin dhaqaalaha ay dalbanayaan aysan sii deyn doonin nabadoonka ay afduubteen.

 
Si rasmi ah looma oga halka lala aaday iyo kooxaha afduubtay Nabadoon Cismaan Cadaawe, sidoo kalena ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay inay iyadu ka dambeyso afduubka nabadoonka, waxayana arrintani ay noqoneysaa markii ugu horeysay ee nabdoon ka mid soo xulayaashii Baarlamaanka cusub lagu afduubto magaalada muqdisho, sidoo kalena ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG oo ku saabsan afduubka la sheegay in loo geystay mid ka mid odayaashii soo xulay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.