FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA QARAX KA DHACAY MUQDISHO

xeydar July 27, 2013 Comments Off
FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay guri ay daganaayeen shaqaale ka tirsan safarada Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho oo ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo la tilmaamay in ay fuliyeen labo ruux oo ismiidaamiye ahaa watayna gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay doonayeen in ay gudaha u galaan guri ay daganaayeen shaqaalaha Safaarada Turkiga ay ku leedahay Muqdisho.

Waraka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in labada ruux ee watay gaariga is qarxiyay ay doonayeen in ay gudaha u galaan guriga ay daganaayeen, ayadoona qaraxaasi uu sababay khasaaro kala duwan.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa kasoo baxeysa warar kala duwan warar lagu kalsoonyahay oo aynu ka heleyno goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ku waramaya in qaar kamid ah shaqaalaha Turkiga ee ka howlgalayay Isbitaalka uu dhaawac soo gaaray, ayadoona ilaa iyo imika la xaqiijinayo dhaawaca labo kamid ah shaqaalaha Turkiga ah, wallow khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen mas’uuliyada qaraxani, ayagoona sheegtay in qaraxa ay ku dileen shaqaale ka tirsan safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in ay ayagu fuliyeen qaraxani ismiidaaminta ahaa, isagoona sidoo kale sheegay in ay u digayaan shaqaalaha Turkiga, hadii ay qaadan waayaan digniintooda ayuu tilmaamay Cali Dheere in ay sii wadi doonaan beegsiga shaqaalaha Turkiga ee Soomaaliya ku sugan.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.