Waxaa si aad ah usii kululaanaya maalmahan danbe xiisaddaha u dhaxeeya dadka deegaanka Sh/hoose & rag iyaga marti ku ah deegaankaasi oo mooday in ay iyagaba leeyihiin.
Soomaalidu waxa ay tiraahdaa (Baadi kugu raagtay Xallaashaadaa moodaa) ragan sida aad ka ah u kacsan oo ujeedkooddu yahay in ay xoog & dagaal kaga nacfiyaan qeeyraadka balaaran ee dhulka Sh/hoose, ragan ayaa la ogsoon yahay in sanadihii 1993 illaa 2005 ay baad & gumeeysi dadban ku hayeen shabeelladda Hoose.
Dadkan hada isku dayayo in ay xoog markale ku maquuniyaan dadka sh/hoose waxa ay ba moog yihiin in derisnimo deegaanka loo dejiyay oo ay moodaan in ay ehel u leeyihiin, waxaaba ka sii daran markii Ugaaskoodda uu iclaamiyay in ay diyaar u yihiin dagaal in ay la gallaan dadka leh deegaanka Sh/hoose.
Waxaan u malaynaa in aysan jirin cidmoog in dadka u dhashay sh/hoose laga gadi jiray biyaha webiga beerahoodana xoog lagu haystay, gabdhahoodana awood lagu guursan jiray, markii wiil u dhashana qof kasoo jeedda Sh/hoose lacag laga qaadi jiray.
Ragan is abaabulaya oo jeclaystay in ay deegaanadaasi barwaaqada illaahay ugu deeqay in ay la wareegaan waxa ay isku bahaysteen qaabab badan iyagoo dagaalka ka wada dhankasta iyagoo ujeedkooda rasmiga ah yahay in ay wali baaqi kusii ahaadaan deegaanada sh/hoose ee ay martidda ku yihiin, waxaa jira rag iyaga ka mid ah oo media-yaha ka dagaalama oo dadka deegaanka u addeegaya oo ka shaqeeya hay’addaha samafalka been & bar bagaando ka sheega.
Waxaan aad uga xumahay in rag caado qaatayaal ah oo deegaanka u dhashay oo iyaga gacan siiya ragan oo daba dhilif u ah.
Bal ka waran Ugaas kasoo jeedda sh/hoose haduu ku dhawaaqo dagaal in lagu qaado Guri Ceel siddee loo arki lahaa?? Aqristoo illaahbaan kugu dhaarshee ma jiraa nin kasoo jeedda Sh/hoose oo Guri Ceel awood ku sheegan kara???…….. waxaan u malaynaa cid haa dhihi karta inaysan jirin.
Arintan hadii ay sii socoto waxaa dhici karta in dhamaan dadka u dhashay Sh/hoose ay meel qura kasoo wada jeestaan oo ay cadowga raba in dhulkoodda barwaaqada la wareego si toosa ah isaga dhiciyaan, maanta ma ahan markii madaxa looga istaagi jiray dadka Sh/hoose waa ay caqliyeysteen waa ay awoodeysteen waxa ayna diyaar u yihiin sifo kasto oo caddowga duullaanka ah isaga meel marin lahayen.
Waxaan aad uga xumahay in dowlada federaalka oo sheeganaysa federal hadana aan soo fara galineynin arintan qatarta ee soo cusboonaatay waayahan danbe.
Dhanka kale raga iyagana saxaafada ka caytama waan wada naqaanaa waa dad wada dhiigyi cab wada ah oo afka u dhigan jiray waxkasta oo loogu talla gallay Gobolka sh/hoose iyaga oo mashaariicyadda ay hay addaha kasoo qaataan dano gaar ah kufulin jiray.
Run ahaantii dadka sh/hoose ma diidana in lala dego deegaanka balse waxa ay kasoo horjeeddaan in loogu taliyo deegankoodda oo dadmarti ay u taliyaan qeyraadkoodana si xoog looga macaasho.
Ugu danbeyntii waxa aan ku baaqaynaa in dowllada sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo fara galiso arintan isa siitaraysa.
W/D Caadil Suleymaan Aweys
Email umadda1@gmail.com
Comments are closed.