Kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray labada Shariif, loogana hadlay arrimo

xeydar September 8, 2012 Comments Off
Kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray labada Shariif, loogana hadlay arrimo

Kulan saacado badan qaatay ayaa habeen hore ku dhexmaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaas oo looga hadlay sida ay sheegeen warar ku dhowdhow kulanka dhameynta khilaaf iyo kala aragti duwanaan u dhaxeysay labada dhinac.

Kulanka oo socday ku dhawaad sedex sacaad oo xiriir ah ayaa diiradda lagu saaray sida warar ku dhowdhowr ay sheegeen sidii loo dhameyn lahaa khilaaf hoose oo u dhaxeeyay labada Shariif kaas oo ku aadanaa qaabka loo wajahayo doorashada Madaxweynaha ee soo socota, waxaana la sheegay in kulanka uu yimid ka dib markii uu Shariif Xasan ka soo laabtay dalka Isu tagga Imaaraadka carabta oo uu ku tagay safar qaatay labo maalin oo aan la shaacin ujeedada uu u aaday halkaasi.

Sida warku sheegayo labada Shariif ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii uu Shariif Xasan uu codka u siin lahaa isaga iyo taageerayaashiisa Sheekh Shariif, inkastoo aan la sheegin in arrinkaasi la isku fahmay iyo in kale, waxaase jira sida la sheegay kulan kale oo dhexmari doona labadan nin ka hor inta aan la gaarin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo aan la sheegin waxyaabaha sida gaarka ah looga hadli doono, balse waxaa la sheegay inuu daba-socon doono kulankii habeen Jimcaha ay yeesheen.

Si kasta oo ay ahaataba kulanka ayaa yimid ka dib markii uu ka baxay Shariif Xasan doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee uu horay ugu sharaxnaa, sidoo kalena kulan ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen safarkii uu Shariif Xasan ku tagay dalka Kenya, kaas oo loogu sheegay inuu codka siiyo Ra’isul wasaare C/weli Maxamed Cali {Gaas}, inkastoo aan la ogeyn inuu aqbalay iyo in kale.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.