Wasiiro badan kana tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo xilalkooda weyndoono dhawaan ka dib isku shaandheynta

xeydar July 27, 2013 Comments Off
Wasiiro badan kana tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo xilalkooda weyndoono dhawaan ka dib isku shaandheynta

wasiirada bedelka lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa la dhameeyay, iyadoo lagu wado maalmaha soo socda in lagu dhawaaqo Xukuumada cusub oo ka koobnaan doonta tiradii ugu badneyd, tirada Xukuumada ayaa ka badan tan haatan, waxaana la isla dhex wadaa in 23-25 laga dhigo doono, waxaana hadal heynta arrimahaas ku saabsana ay yihiin kuwo aad isa soo taraya inkastoo aysan jirin xog sugan oo xaqiijineysa tirada rasmiga ah ee laga dhigayo golaha wasiirada cusub.

Sida warku sheegayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyada ku saabsan isku shaandheynta Golaha wasiirada, iyadoo maalmihii u dambeeyay uu xoogga saarayay is bedelkaas.waxaana inkastoo ay dowladda uu madaxweynaha ka yahay xasan sheikh ay wajaheyso mucaarado gudaha iyo dibada ayaa hadana cadaadiska ugu weyn waxa uu kaga imaanayay siyaasiyiin soomaali ah oo mid kastaa uu doonayo in isaga xil loo magacaabo iyo waliba qaar kamid ah dalalka daris la ah soomaaliya oo iyana dano kala duwan ka leh soomaaliya

Goor sii horeysay ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xaqiijiyay inuu is bedel imaan doono, gaar ahaan Xukuumada, iyadoo aad dhegta loogu taagayo.waxaana jira wajiyo cusub oo ku soo biiraya golaha wasiirada cusub ,inkastoo kuwii hore ay qaarkood soo noqanayaan,waxaana la kala qaadayaa wasaaradaha hadda is dulsaaran iyadoo dhinaca kale awood qeybsiga beelahu uu noqon doono sidii hore ama 5 beelood, waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Xubnaha ka soo muuqanaya golaha wasiirada inuu ka mid yahay C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay wasiirka dastuurka ka soo noqday Xukuumadii Prof. C/wali Gaas, sidoo kale waxaa la hadal hayaa in wasiiro kale ku jiraan.iyadoo qaar kamid wasiirudowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada qaarkood loo dalacsiinayo wasiiro buuxa inkastoo aan la magacaabin kuwa ay yihiin
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Wasiiro iminkan xilal haaya ay xilkooda waayi doonaan, sida warku sheegayo waxaa la yareynaya Wasiir ku xigeenada iyo Wasiir dowlayaasha, maadaama Wasaaradaha ay yihiin kuwo badan, kadib markii la kala qaaday wasaarado is dul saarnaa, halka warar kale ay sheegayaan in haweenayda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda ay sii joogi doonto booskooda inkastoo laga jaray qeybo kamid wasaaradihii ay hayeen.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.