Waxaa si weyn wax looga bedelay mushaarkii ay qaadan jireen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ahaa sida la sheegay mid aan u qalmijirin, balse hadda isbedel lagu sameeyay, waxaana la sheegaa in askariaga dowladda Somaaliya uu mushaar ahaan u qaadan jirary markii hore 100 boqol doolar oo Mareykan ah, halka askariga AMISOM uu qaato lacag gaareysa 1050-kun iyo koton doolar oo lacagta mareykanka ah.
Kulan ay yeesheen Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya Khamiistii doraad ayaa waxyaabihii lagu go’aamiyey waxaa ka mid ahaa qoondeynta mushaarka askarta dowladda ee kala duwan sida militariga, Booliska, Nabadsugida iyo kuwa Asluubta, waxaana la sheegay in lacagtii ay qaadan jireen ciidanka loo kordhiyey oo la gaarsiiyey 160$ doolar bil kasta in la siiyo askariga, halkii ay horay u qaadan jireen 100-doolar oo keliya.
“Askarigii wuxuu qaadanayaa $160 doolar, dhammaana waa isku mushaar ciidamada, waxaana xusid mudan in mushaarka uu joogto noqonayo ka dib markii la helay miisaaniyad muddo ciidanka lagu wadi karo, horey waxay ciidamada aad uga caban jireen mushaar la’aan, taasi oo keeni jirtay in askarta ay isbaarooyin dhigtaan ama dhac geystaan, ama dareeskooda iibsadaan, ama xog lacag ku bedeshaan” ayaa lagu yiri war ay soo saareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.