Howlgalo Kismaayo dad lagu soo qab qabtay

jiinka July 26, 2013 Comments Off
Howlgalo Kismaayo dad lagu soo qab qabtay

Maamulka Axmed Madoobe ee maamula magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay amaanka magaalada Kismaayo oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo lala eeganayay ciidamada maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa AMISOM ee magaaladaasi ku sugan.

 

C/naasir Seeraar Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe oo Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in xaalada Kismaayo ay tahay mid wanaagsan, waxa uuna sheegay in howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen Kismaayo ay ku soo qabteen dad lala xiriirinayo falalka amni darro ee maalmihii dambe ka dhacayay magaaladaasi.

 

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in howlgalka uu weli ka socdo magaalada Kismaayo natiijo wanaagsanna laga gaaray howlgalka sida uu hadalka u dhigay,

 

Isagoona xusay in magaalada uusan dil ka dhicin hayeeshee mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyo lala eegto ciidamada kala duwan ee Kismaayo ku sugan, qaraxyadaasi ayuu ku eedeeyay Seeraar in ay ka dambeeyaan kooxaha ka horjeeda maamulkooda.

 

C/naasir Seeraar Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgala ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada Kismaayo,
Ayadoona Kismaayo oo dhowr jeer oo horey dhinacyo iska soo horjeeda dagaalo ugu dhex maray ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay qaraxyo lala eeganayay ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalada.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.