Ciidamada Somalia oo Mushaarka loo Kordhiyey

xeydar July 25, 2013 Comments Off
Ciidamada Somalia oo Mushaarka loo Kordhiyey

Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa maanta go’aamiyay in mushaarka ciidamada Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo awal ahaan jiray boqol dollar laga dhigo boqol iyo lixdan dollar.

Sidoo kalena waxay xukuumaddu soo saartay sharci cusub oo lagu hagi doono dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka kala duwan sharcigaasi oo inta aanu dhaqan galin la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ah afhayeenka Xukuuumadda Federaaka Soomaaliya ayaa Saxaafada uga waramay shirka Golaha Wasiirada iyo waxyaabaha lagu soo qaaday shirka.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.