Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga oo si weyn Magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay.
Cali Maxamed Geedi ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Muqdisho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo xubno kasocday dowladda hada waqtigeeda uu dhamaaday.
Ra’iisul Wasarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo imaanshihiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ujeedada uu u yimid Magaalada Muqdisho ay tahay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in hadii loo doorto Hogaanka dalka Soomaaliya uu wax badan ka qaban doono arimaha hada ka taagan xaalada dalka Soomaaliya.
Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa iminka wuxuu kamid noqonayaa musharaxiinta badan ee u taagan qabashada hogaanka dalka Soomaaliya.
Doorashada Madaxweyninimo ee dalka Soomaaliya ayaa iminka waxaa ka dhiman muddo ka yar todobaad sida ay shaaciyeen Guddiga ku howlan doorashada madaxtinimada dalka.
Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa ka socda loolanka musharaxiinta ay ugu jiraan inay ku guuleestaan xilka madaxtinimo mudada afarta sano ee soo socota.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.