Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr: Gacal oo hadalka qaatay ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sudan in Dowladda Soomaaliya ay gaartay Guulo wax ku ool ah oo laga dareemayo Gudaha iyo Dibadda Dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku guulaysatay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Midda Gudaha hasayeeshee ay Jiraan Caqabado Wali taagan oo ku salaysan in Soomaaliya ay tahay Dowlad 22 sano Soo Burbursanayd midaasoo adag tahay in Bilo gudohood wax walba la sameeyo.
Dr: Cacal ayaa ugu Mahadnaqay Shacabka iyo Dowladda Sudan Deeqo siinta iyo marti galinta Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan wax kabarata oo gaaraysa ilaa Shan Kun oo Arday.
Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sudan Dr: Cali Axmed Kerti ayaa sheegay in Dowladda Sudan ay Soomaaliya u tahay Wadan Sudan ula mid ah oo aysan u Haysan in ay Yihiin Wadan iyaga ka fog ama Ajnabi ka ah.
Wasiir Kerti ayaa intaas ku daray in Iyada oo la Fulinayo Hisheeskii ay wada Galeen Madaxwaynayaasha Sudan Cumar Xasan Axmed Al-bashiir iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Hishiiskaas oo ku Saabsanaa Dhinicyo badan Taabanaya oo ku Salaysan Iskaashi labada Dal ah.
Waxayna ugu Dambayntii Labada Wasiir isku Raaceen in Laysku Kaashado Ururada heer Gobol sida IGAD iyo Kuwa Midowga Afrika intaba.
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dr: Maxamed Nuur Gacal ayaa Kulan la Qaatay Maanta Ururka Taakuleeya Ardayda Ajaanibta ah ee Sudan waxkabarata.
Wasiirka ayaa ku booqday Xarunta Ururkaas isaga oo Mahadnaq Balaaran u jeediyay Sida ay u Daryeesho Ardayda Soomaalida iyo Kuwa Kaleba.
Kulankaas oo Goob Joog ka ahaa Safiirka Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan ayaa isagana aad ugu mahadnaqay Ururkaas oo lagu magacaabo Waafidiin una sheegay in Abaalkooda marnaba la ilaabi karin.
Sidoo kale C/lle Maki oo ah Madaxa Ururkaas Daryeela Ardayda Ajaanibta ayaa isagana Dhankiisa Sheegay in Waajib ay tahay In ay daryeelaan Ardayda Soomaaliyeed oo uu ku Tilmaamay in ay Yihiin Arday Diintooda iyo sharaftooda aad ugu dadaalan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.