22 kamid ah ciidamada badda dalka Malta ayaa si rasmi ah waxay maanta uga mid noqdeen ciidamada howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ka wada xeebaha dalka Soomaaliya.
Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ku biiri doonaan ciidamada dowlada Holland kuwaasi oo ka howlgalaya xeebaha Soomaaliya, waxaana howlgalkooda uu dhamaan doonaa 27 Septembar, iyadoo ujeedada ugu weyn ay tahay inay kahortagaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Ka hor inta ciidamadaan loosoo daabulin howlgalka ayaa isaga oo la hadlay Brigadier Martin oo kamid ah saraakiisha ciidamada badda ee Malta ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay yihiin tiradii ugu badneyd ee ka qeyb gashay howlgalka ATLANTA
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada badda ee dalka Malta ay badali doonaan ciidamo ka tirsan dowlada Holland, kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka Atlanta.
Xeebaha dalka Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan waxaa ka howlgala ciidamo badan oo ka socda dalal kala duwan kuwaasi oo sheega inay la dagaalamayaan kooxa burcad badeeda Soomaalida, waxaana jirta in kooxa burcad badeeda iminka gacantooda ay ku jiraan maraakiib badan iyo shaqaalo ajaaniib ah.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.