Qarax Goor Dhaweyd Suuqa X.Weyne Ka Dhacay

jiinka July 24, 2013 Comments Off
Qarax Goor Dhaweyd Suuqa X.Weyne Ka Dhacay

Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray xildhibaan Shiikh Aadan Maxamed Madeer islamarkaana ku qarxay wadada Via Eejito xili uu xildhibaanku wax ka iibsanayey goob ganacsi oo u dhaweyd halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sida la xaqiijiyay ku naf waayey hal qof oo shacab ah todoba kalana wey ku dhaawacmeen.

 

Goobtu uu qaraxu ka dhacay aya aheyd meel suuq ah oo ay ku badan yihiin dadka shacabka ah goob joogayaal ku sugnaa halkaasi ayaa saxaafada u sheegay sida ay wax u dhaceen iyo waxa ay indhahooda ku arkeen,iyagoo sheegay in ay ka war heleen jugta qaraxa oo ay ahayd mid aad u weeyn.

 

Sido kale gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal (gardhuub) oo goobta soo gaaray ka dib markii uu qaraxa dhacay ayaa sheegay in qarxaasi u ahaa mid lagu waxyeelenayay ummada Somaaaliyeed,isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay falkaasi foosha xun ee ay soo maleegeen kooxaha nabaadiidka ah.

 

Taliyaha saldhiga Xamar weyne g/dhexe Maxamed Daahir oo saxaafada la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in qaraxasi uusan aheyn mid dhulka lagu aasay ama lagu soo tuuray gaariga xildhibaanka waxuna sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo cidii ka dambeysay qaraxaasi.

 

Al-shabaab ayaa ku caan baxay in ay qaraxyo la eegtaan goobaha shacabka ay ku badan yihiin xilli maalinnimadi shalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab ay ku haleegmeen qarax ay ku farsamenayeen guri ku yaala degmada wada jir ee gobolka Banaadir.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.