Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 169 mudane.
Ajandahuna waxa uu ka koobnaa labo qodob oo kala ah dhaarinta xildhibaanad Ubax Tahliil oo lagu badalay ex xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale oo geeriyooday bishii la soo dhaafay iyo akhrinta koowaad ee hindise sharciyadeedka duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada,
Waxana kulanka ka qeyb galay wasiirka warfaafinta,boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka si uu mudanayaasha uga hor aqriyo hindise sharciyadeedkan.
Furitaanka gudoonka ka dib waxaa laguda galay Ajandaha ugu horeeyay ee ahaa dhaarinta xildhibaan Ubax Tahliil oo lagu baday ex xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale,
Dhaarinta ka dib waxaa la galay aqrinta koobaad ee hindise sharciyeedka duulista rayidka iyo saadaasha hawada waxaana golaha shacabka ka hor aqriyay ahmiyada iyo baahyida loo qabo sharcigan wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiid mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada ay la wareegi doonto hawada soomaaliya 31bisha December ee sanadkan,horaanta sanadka soo socdana hawada soomaaliya si toos ah looga maamuli doono magaalada muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska uu qeyb ka yahay in laga bilaabo bartamihii sanadkan aan qalab cusub oo danbe la geeynin garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya oo la keeno garoonka Adan cadde ee magaalada muqdisho.
Wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa beeniyay wararka sheegaya in hawada soomaaliya laga maamuli doono meel ka baxsan magaalada muqdisho,isagoo sheegay in xarunta hay’adda ay tahay magaalada muqdisho oo aan laga rari Karin.
Aragtiyo iyo su’aalo ku saabsan sharcigan duulista rayidka iyo saadaasha hawada ayey xildhibaanadu weydiiyeen wasiirka,isagoo wasiirkuna uga jawaabay waxaana soo xiray shirka baarlamaanka gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Aqrinta labaad ee sharcigan ayey dood xasaasi ah xildhibaanadu ka gali doonaan,iyagoo wasiirka wey diin doono su’aalo khuseeyo sharciga duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada oo ay is leeyihiin wax ka badal ayuu u baahanyahay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.